Wednesday, June 4, 2025

DF iyo maamulka SSC-Khaatumo oo iska kaashanaya ka shaqeynta arrimaha amniga.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa hadimo-sharafeed soo dhaweyn ah u sameeyey Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo, Mudane Cabdulqaadir Aw-Cali (Firdhiye) iyo wafdiga la socda oo maalmahaan safar shaqo ku joogay magaalada Muqdisho.

Wasiirka, ayaa ku bogaadiyey Hoggaamiyaha iyo maamulkiisa horumarrada kala duwan ee ay muddada gaaban ka sameeyeen dhismaha SSC-Khaatumo, isagoo xusay in si dhow ay uga wada shaqeyn doonaan arrimaha amniga iyo horumarinta deegaannada maamulkaas.

Kulankaan oo ahaa mid balaaran waxaa masuuliyiinta ku weheliyey, Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda, sarakiil iyo marti sharaf kale.

                  

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles