Friday, November 22, 2024

Ciidanka Nabad sugida Somaliland oo Hargaysa ku xiray Xildhibaan Maxamed Abiib

Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa lagu xiray madaarka Cigaal ee Hargaysa.

Maxamed Abiib ayaa markii la qabtay kasoo noqday safar uu maalmahan ku joogay dalka Imaaraatka Carabta, inkasta oo aan la ogayn waxa lagu xiray, xildhibaanka ayaa Imaaraatka ku bixiyay waraysi uu ku durayo xukuumada iyo SNM.

 Garyaqaanka Guud ee Xukuumada Somaliland, ayaa dacwad maamus ka xayuubin ah u gudbiyay golaha wakiilada, dacwadaas oo ilaa hada socon wayday kadib culays ka yimid dhinaca xildhibaanada.

Kahor inta aan dacwada lagu soo oogin, xildhibaanka ayuu ismaan dhaaf kala dhexeeyay guddoomiyaha golaha wakiilada, sidookale, waxa lagu eedeeyay arimo la xiriira ku xadgudub sharci.

Xildhibaanka ayaa iska fogeeyay dhamaan eedaha loo haysto, isaga oo ka dagay magaalada Boorama isla markaana, taageero waydiistay shacabkii soo doortay.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles