Ciidamo ka tirsan Guutada 15aad ee qaybta 21aad oo dhawaan laga soo celiyay magalada Mogdisho, lagana jartay musharkii bishaan ayaa gaaray Degaanka Huurshe ee Gobolka Galgaduud.
Ciidamadan oo wata ku dhawaad 10 gaadiidka dagaalka ah, ayaan danbeysa tagitaankooda huurshe, inkastoo saraakiisha qaar oo aan la xiriirney ay noo sheegeen in ay ka shaqeynayaan sugitaanka amniga Siyaarta.
Ciidankaan gadoodsan ayaa safar dhulka ah dhawaan uga baxay Magaalada Muqdisho, iyagoo gaaray gobolka Galgaduud .
Sidoo kale Ciidankan ayaa la sheegay in ay ka tirsanaayeen kuwii Ahlu-Sunna ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay qarameysay, balse ay ka gadoodeen dowladda, ka dib markii mushaarka laga jartay.
Ciidankan ayaa intii Tababarka uu uga socday Xerada Jeneraal Gordan laga dalbaday in qoryo ay la yimaadaan, hadii kale mushaarka laga jaranayo taas oo keentay sida la sheegay in ay Gadoodaan .