Saturday, December 14, 2024

Ciidamada dowladda oo isku fidiyay degaano katirsan Galgaduud

Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kumaandooska ilaalo qaran ayaa howlgal qorshaysan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab  ka sameeyay dhulka howdka ah oo u dhaxeeya degmada Galcad iyo deegaanka Ceel bacad ee gobolka shabeellada dhexe.

Howlgakaan ayaa waxaa hoggaaminaayay taliyaha ururka 4-aad ee kumaandooska ilaalo qaran Dhamme Maxamad xuseen Aadan waxayna ciidanku halkaasi ku bur buriyeen fariisimo ay Al-Shabaab ku lahaayeen dhulka howdka iskuna aruursadaeen.

Taliyaha ayaa sheegay in Ciidanka ay ka war heleen Al-Shabaab oo isku aruursanayay dhulka howdka ah ayna ku qaadeen weerar qorshaysan , isla markaana dagaal halkaasi ka dhacay ay ku gaarsiiyeen khasaaro xoogan.

Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa fodobaadyadii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ka waday degaano kiyaalla xadka Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Galgaduud, iyaga oo doonaya inay dib ula wareegaan degaannada iyo degmooyinka katirsan Gobolka Galgaduud.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles