Kooxda Al Shabaab, ayaa saakay weerar culus oo ku bilowday qaraxyo baabuur laga soo buuxiyay, waxa ay ku qaadeen saldhigyo ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa dadka deegaanka ku lahaayeen deegaanka Wargaadhi ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.
Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay labada dhinac , ayaana ilaa hadda ka socda deegaanka Wargaadhi, ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaana lagu soo warramayaa in ay iska difaacayaan weerarka xooggan oo Al Shabaab kusoo qaadeen deegaanka Wargaadhi.
Deegaanka Al Shabaab saakay weerareen ee Wargaadhi, ayaa ah taliska ugu weyn ee xilligan ciidanka dowladda kaga sugnaayeen gobolka Shabeelaha Dhaxe, waxaana deegaankan ku yaallay garoomo diyaaradaha wax duqeeya ay ka duuli jireen.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa marar badan horey u tagay una joogay deegaanka Wargaadhi ee saakay weerarka xooggan lagu qaaday, waxa uuna deegaankan hadda ahaa taliska ugu weyn ee ciidamada, marka laga soo tago Aadan Yabaal oo dowladda laga qabsaday.