Thursday, March 13, 2025

Abaabulka hawlgal lagu cirib tirayoShabaab oo ka socda Shabeellaha dhexe.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka gobolka Shabeellaha dhexe oo wada abaabulkii ugu sarreeyey kaas oo dalka looga xoraynayo kooxda Khawaarijta.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage,guddoomiyaha Maxkamada Ciidamada qalabka sida gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute iyo Saraakiil kale ayaa gaaray furimaha hore ee dagaalka iyagoo qayb ka noqonaya guluf dagaal oo lagu cirib tirayo kooxda khawaarijta oo maalmihii u dambeeyey la sheegay in ay si dhuumasho ah ku soo gaareen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Xildhibaano,ganacsato,madaxda dhaqanka iyo shacabka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa iyaguna dhankooda wada abaabul dagaal oo xooggan.

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa shalay jabiyey xubno khawaarij ah oo si dhuumasho ah ugu soo dhowaaday deegaanka Boos hareeri iyadoo halkaas ciidanka ku dileen in ka badan 20 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles