Wasiir- u dowlaha Arimaha Dibadda Soomaaliya oo shir muhiim ah kaga qeyb galay New York.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), oo uu weheliyo Madaxa Xafiiska Madaxweynaha, Mudane Cabdixakiim Yuusuf, ayaa ka qaybgalay kulan heer sare ah oo lagu qabtay Türkevi, magaalada New York, kaas oo dhacay intii uu socday Shirweynaha 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay (UNGA81).

Kulanka waxaa guddoominayay Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Türkiye, Danjire Muusa Kulaklıkaya, waxaana ka qaybgalay dowladaha Soomaaliya, Sacuudi Carabiya, Qatar, Boqortooyada Midowday iyo Mareykanka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqaynta iyo isku-dubbaridka dhinacyada ee arrimaha mudnaanta leh ee ay dalalku wadaagaan, gaar ahaan kuwa la xiriira nabadda, amniga iyo horumarka.

Wasiiru-dowlaha ayaa sheegay sida Soomaaliya uga go’an tahay iskaashiga dhinacyada badan ee caalamiga ah, si loo xoojiyo nabadda, amniga iyo horumarka.

Soomaaliya, oo xubin aan joogto ahayn ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay sii waddaa inay si firfircoon uga qaybqaadato go’aannada iyo dadaallada caalamiga ah ee saameeya nabadda iyo amniga gobolka iyo caalamka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles