Ciidamada Difaaca Badda Dowladda Puntland, gaar ahaan Ciidamada Badda ee sida gaarka ah u tababaran ee PMPF, ayaa maanta sheegay inay hawlgal ka sameeyeen xeebaha Gobolka Mudug, halkaas oo ay kula wareegeen markab ay koox burcad-badeed ah haysteen. Africans& Diaspora
Markabka oo lagu magacaabo MTT-SIBU1 ayaa lagu soo qabtay aagga xeebaha Mudug, kaddib hawlgallo ay ciidamada Puntland maalmahan ka wadeen badda iyo xeebaha.
Sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Ciidamada Badda Puntland, ciidamada ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay 14 qof oo lagu eedeeyay inay ka tirsanaayeen kooxdii burcad-badeedda ahayd ee markabka afduubtay.
Ciidamadu waxay sheegeen in hawlgalkan lagu soo furtay markabka iyo shaqaalihii saarnaa, iyadoo wararka laga helayo hawlgalkana ay tilmaamayaan in kooxdii burcad-badeedda ahayd ay la kulmeen khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan xaaladda shaqaalaha markabka iyo tirada khasaaraha ayaa la filayaa in ay kasoo baxdo saraakiisha Puntland.




