Wasiirkaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Axmed Cali iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi ayaa ka qeybgalay xiritaanka tababar loo qabtay guddoomiyaasha degmooyinka ee ka jira maamulkaasi
Tababarkaan oo socday muddo shan cisho ah waxaa looga hadlay arrimaha canshuuraha,sohdimaha degmooyinka,sameynta miisaaniyada ay ku howlgalaan degmooyinka iyo isla xisaabtan ku aadan adeegyada kagama maarmaanka u ah bulshada,iyadoo loo qabtay xubnaha hoggaaminta ee golayaasha deegaanka iyo kuwa fulinta.
Wasiirkaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Axmed Cali oo ka hadlay xafladdii xiritaanka ayaa dalbaday in casharada lagu bartay tababarka lagu saleeyo ama lagu dabaqo howlaha kala duwan ee horyaalla guddoomiyaasha degmooyinka ee maamulkaasi.
Xafladdi xiritaanka waxaa hadallo warbixin ah oo la xiriira tababarkaasi halkasi ka jeediyay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Arrimaha Gudaha C/Salaam Iimaan Cali.




