Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York ee dalka Mareykanka kulamo doceedyo kula yeeshay madaxda Serbia, Senegal, Zimbabwe iyo Pakistan, xilli uu halkaasi uga qeybgalayo shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vučić, Madaxweynaha Senegal, Bassirou Diomaye Faye, Madaxweynaha Zimbabwe, Emmerson Dambudzo Mnangagwa, iyo Ra’iisul Wasaaraha Pakistan, Muhammad Shehbaz Sharif.
Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo dalalkaasi, iyadoo dhinacyadu ay ka wada hadleen arrimo la xiriira nabadda, amniga, horumarka iyo danaha wadajirka ah.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa madaxda uu la kulmay la wadaagay xaaladda guud ee dalka iyo horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dhinacyada nabadda iyo amniga, dowlad-dhiska, dimuqraadiyeynta, dhaqaalaha iyo horumarinta adeegyada bulshada.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kulamada kaga hadlay fursadaha iskaashi ee Soomaaliya ay la yeelan karto Serbia, Senegal, Zimbabwe iyo Pakistan, gaar ahaan dhinacyada ay labada dhinac danaha wadajirka ah ka leeyihiin. ReadPolitical News
Madaxda ayaa sidoo kale is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan xaaladaha gobolka iyo kuwa caalamka, iyadoo xoogga la saaray muhiimadda ay leedahay iskaashiga dowladaha iyo xoojinta xiriirrada diblomaasiyadeed.
Kulamadan ayaa qeyb ka ah kulamada doceed ee Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka wado magaalada New York, isaga oo halkaasi ka wada kulamo uu la yeelanayo madaxda dalal kala duwan iyo mas’uuliyiin caalami ah.
Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee New York ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliya ay raadineyso in ay sii xoojiso xiriirkeeda caalamiga ah iyo iskaashiga ay la leedahay dowladaha iyo hay’adaha caalamiga ah, iyadoo mudnaanta la siinayo arrimaha amniga, dhaqaalaha, horumarka iyo dowlad-dhiska.




