Amiirka Qatar oo caddeeyay taageerada dalkiisa ee madaxbannaanida Soomaaliya.

Amiirka Dowladda Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thaani, ayaa si cad u muujiyay taageerada dowladda Qatar ay u hayso Soomaaliya, xilli uu khudbad ka jeediyay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York, halkaas oo ay isugu yimaadeen madaxda dalalka caalamka. Somaliatravel guide

Sheekh Tamiim ayaa khudbaddiisa kaga hadlay arrimo dhowr ah oo la xiriira xaaladda gobolka iyo caalamka, waxaana uu si gaar ah u xusay Soomaaliya, isaga oo caddeeyay in Qatar ay garab taagan tahay dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Amiirka Qatar ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dal walaal ah, isaga oo mar kale xaqiijiyay taageerada xooggan ee dalkiisa uu u hayo madaxbannaanida Soomaaliya, midnimada shacabka iyo wadajirka dhuleed ee dalka.

“Soomaaliya oo ah dal walaal ah, waxaan mar kale caddeyneynaa taageeradayada adag ee ku aaddan madaxbannaanideeda, midnimadeeda iyo wadajirka dhulkeeda,” ayuu yiri Amiirka Qatar Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thaani.

Hadalkan ayaa xambaarsan farriin siyaasadeed oo ku saabsan mowqifka Qatar ee ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo Doha ay muddo dheer xiriir dhow la lahayd dowladda Soomaaliya. Somaliatravel guide

Taageerada uu Amiirka Qatar ku dhawaaqay ayaa sidoo kale kusoo beegmaysa xilli Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo dowladnimada, amniga iyo hay’adaha qaranka, iyadoo ay jiraan arrimo siyaasadeed iyo amni oo weli u baahan wada-hadal iyo iskaashi gudaha iyo dibadda ah.

Xiriirka Soomaaliya iyo Qatar ayaa sanadihii lasoo dhaafay ku fiday dhinacyo kala duwan, waxaana labada dal ay iska kaashadaan arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda, dhaqaalaha, amniga, horumarinta iyo taageerada hay’adaha dowladda.

Hadalkan Amiirka Qatar ayaa sidaas darteed loo arki karaa inuu yahay xaqiijin cusub oo ku saabsan mowqifka Doha ee taageerada Soomaaliya, gaar ahaan ilaalinta madaxbannaanida dalka iyo in aan la wiiqin midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles