Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey Taliyaha Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TURKSOM, S/Gaas Sabahattin Kalkan.
Wafdiga waxaa ka mid ahaa Captain Dr. Haldun S. Çetinarslan, U-qaybsanaha Arrimaha Ciidamada iyo Ciidanka Badda Turkiga, oo soo gabagabeynaya muddadii shaqadiisa Soomaaliya, iyo Kornayl Dr. Mehmet Serhan Yıldız, U-qaybsanaha cusub ee Arrimaha Ciidanka Cirka Turkiga.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Wasiirka ayaa bogaadiyey doorka Dugsiga TURKSOM ee tababarka iyo kor u qaadista xirfadaha ciidamada Soomaaliyeed, isagoo uga mahadceliyey Dowladda Turkiga garab-istaaggeeda joogtada ah ee dadaallada Soomaaliya ee dib-u-dhiska ciidanka iyo xaqiijinta amniga iyo xasilloonida dalka.




