Ciidanka Xoogga Dalka,gaar ahaan ururka 62 aad, huutada lixaad ayaa Howlgallo qorsheysan oo ka dhan ah Khawaarijta ka sameeyeen deegaanno kamid ah degmada Kunturwaarey ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgaladaan oo ka dhacay Deegaanafa Laba yaaq,Cambareey,Busleey,Makaay Dumis,Maryan Dheere,waxaa hoggaaminaayey taliyaha ururka 62 aad G/lle Farax Geedi Lugeey.
Howlgalkaan ayaa dabasocday kulan ka dhacay deegaanka Buulo mareer,kaas oo looga hadlaayey ilaalinta shacanka,sugidda amniga , wadaagga xogta,sugidda waddooyinka muhiimka ah iyo isu duwidda howlgalada amni.
Kulamkaasi waxaa isugu yimid saraakiisha cidanka xoogga,gaar ahaan kuwa ururka 62 aad,ciidanka Atmis,maamulka Degmada Kunturwaarey iyo qaar kamid ah hoggaamiyaasha bulshada.




