Taliyaha Ciidanka Xoogga oo qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee Afrika.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa qaabilay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee ka howlgala Qaaradda Afrika, Sareeye Gaas Claude K. Tudor Jr.

Kulanka ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga iyo howlgallada, gaar ahaan taageerada iyo horumarinta awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay tayeynta ciidanka, tababarrada iyo dhismaha ciidan qaran oo leh awood iyo diyaar-garow sare.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqeynta iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka ee dhinacyada amniga iyo horumarinta awoodda ciidamada.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles