Wasiirka Arrimaha Dibadda oo xafiiskiisa ku qaabilay Diblomaasi Qaasim Axmed Nuur.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay diblumaasi hore Mudane Qaasim Axmed Nuur. Kulanka ayaa looga hadlay kaalinta qurbajoogta Soomaaliyeed ee horumarinta dalka.

Qaasim Axmed Nuur ayaa adkeeyay muhiimadda ay qurbajoogtu u leeyihiin dib-u-dhiska Soomaaliya, gaar ahaan aqoonta, khibradda iyo maalgelinta ay dalka ku soo kordhin karaan, isagoo bogaadiyey horumarka ka socda dalka.

Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda xoojinta xiriirka dowladda iyo qurbajoogta, si looga faa’iideysto awooddooda iyo khibraddooda, loogana qayb geliyo horumarinta iyo mustaqbalka Soomaaliya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles