Soomaaliya iyo Yemen oo ka wada hadlay amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa magaalada Dooxa kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta Yemen, Dr. Afrah Al-Zuba, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Yemen iyo iskaashiga amniga ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda gobolka, arrimaha ay labada dal danaha wadaagaan iyo sidii loo ballaarin lahaa iskaashiga dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarinta. Yemen ayaa sidoo kale muujisay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka ay la leedahay Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Yemen ayaa kulanka ku caddeysay mowqifka dalkooda ee taageerada midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay inay diiddan tahay tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada Soomaaliya ama faragelin ku ah arrimaheeda gudaha.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga hadlay amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, iyo muhiimadda ay leedahay in dalalka ku teedsan labada marin-biyood ay xoojiyaan iskaashiga lagu ilaalinayo badqabka maraakiibta iyo isu-socodka ganacsiga. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay la-dagaallanka argagixisada, tahriibka, burcad-badeedda iyo khataraha xuduudaha ka gudba.

Soomaaliya iyo Yemen ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la joogteeyo wada-xiriirka iyo isku-duwidda labada wasaaradood ee arrimaha dibadda, lana kordhiyo booqashooyinka iyo is-dhaafsiga khibradaha. Labada dhinac ayaa sidoo kale aaminsan in xasilloonida Soomaaliya iyo Yemen ay door muhiim ah ka qaadan karto amniga Badda Cas, Gacanka Cadmeed iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles