Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu u ambabaxo dalka Serbia, halkaas oo uu kaga qayb geli doono kulan heer caalami ah oo lagu xusayo 65-guuradii shirkii ugu horreeyay ee Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga ahayn (Non-Aligned Movement).
Kulankan oo lagu qabanayo magaalada Belgrade ayaa isu keeni doona madax iyo wakiillo sare oo ka socda dalal kala duwan, iyadoo Madaxweynaha Serbia, Aleksandar Vučić, uu martigelinayo wafdiyada ka qaybgalaya munaasabadda.
Ajandaha kulanka ayaa diiradda lagu saari doonaa xuska taariikhda iyo doorkii Dhaqdhaqaaqa Dalalka Aan Isbahaysiga ahayn, iyo arrimo la xiriira iskaashiga caalamiga ah iyo xiriirka dalalka ka qaybgalaya.
Inta uu Madaxweynaha Soomaaliya ku sugan yahay Serbia, waxaa la filayaa inuu kulan gaar ah la yeesho dhiggiisa Serbia, Aleksandar Vučić, iyadoo kulanka labada Madaxweyne lagu wado in looga hadlo xiriirka labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga Soomaaliya iyo Serbia.
Soomaaliya iyo Serbia ayaa sanadihii dambe kordhiyay xiriirkooda diblomaasiyadeed, iyadoo labada dhinac ay horey uga wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashi dhinacyo kala duwan ah.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Serbia kadib u sii gudbi doono dalka Switzerland, halkaas oo la filayo inuu ka qayb galo kulamo kale oo la xiriira hawlaha diblomaasiyadeed iyo xiriirka caalamiga ah.
Booqashada Madaxweynaha Soomaaliya ee Serbia ayaa ku soo beegmaysa xilli Muqdisho ay waddo dadaallo lagu xoojinayo xiriirka Soomaaliya iyo dalalka Yurub iyo kuwa kale ee caalamka, iyadoo dowladda Federaalka ay xoogga saareyso iskaashi dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo diblomaasiyadda.




