Wasiir u Dowladaha Arrimaha Dibadda ee Dowladda Soomaaliya oo Dalalka Carabta ugu Baaqay in ay Ka Hortagaan Aqoonsiyo Kale oo la siiyo Somaliland

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa dalalka Carabta ugu baaqay inay adeegsadaan xiriirkooda iyo saameyntooda diblomaasiyadeed si looga hortago in aqoonsigii Israa’iil siisay Somaliland uu isu beddelo olole ay dalal kale ku aqoonsadaan Somaliland.
Cali Balcad ayaa hadalkan ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyay wargeyska Asharq Al-Awsat, isagoo sheegay in Soomaaliya ay xiriir toos ah la leedahay maamulka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, si ay ugu gudbiso mowqifkeeda ku aaddan aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.
Wasiiru-dawluhu wuxuu sheegay in Muqdisho ay si dhow ula socoto doodaha iyo dhaqdhaqaaqyada ku saabsan suurtagalnimada aqoonsiyo kale oo Somaliland loo fidiyo, isagoo xusay in Soomaaliya aysan aqoonsiga Israa’iil u arkin arrin astaan ah oo keliya, balse ay u aragto tallaabo saameyn ku yeelan karta midnimada dhuleed iyo amniga Soomaaliya iyo gobolka.
Cali Balcad ayaa sidoo kale sheegay in aqoonsigii Israa’iil uu ahaa kii ugu horreeyay ee dal xubin ka ah Qaramada Midoobay uu Somaliland siiyo, kadibna ay labada dhinac sameeyeen xiriirro diblomaasiyadeed oo ay ka mid yihiin is-dhaafsiga safiirrada iyo furitaanka safaarad Somaliland ay ku leedahay Qudus.
Wuxuu intaas ku daray in tallaabadaasi illaa hadda aysan dhalin mowjad aqoonsiyo kale oo caalami ah, balse Soomaaliya ay doonayso in dalalka Carabta aysan ku ekaan cambaareyn, balse ay adeegsadaan xiriirkooda iyo saameyntooda si looga hortago in aqoonsigaasi noqdo mid sii fida.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles