Safiirkii Itoobiya u fadhiyey Soomaaliya oo dalkiisa dib ugu laabtay

Safiirka Itoobiya u qaabilsanaa Soomaaliya, Suleiman Dedefo Woshe, ayaa ka ambabaxay Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, kaddib muddo ku dhow hal sano oo uu xilka hayay, iyadoo howlwadeenada safaaradda ee Magaalada Muqdisho ay sagootin u sameeyeen kadib markii uu dhammaystay shaqadii loo soo igmaday.
Dedefo waxaa Itoobiya u soo magacaawday Soomaaliya xilli labada dal ay bilaabeen inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda diblomaasiyadeed, wuxuuna waraaqihiisa aqoonsiga Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud guddoonsiiyay bishii Agoosto 2025, kadib heshiiskii Ankara ee December 2024 ee hoos loogu dhigay khilaafkii labada dal.
Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya waxay aad u xoogaysatay kadib heshiiskii is-afgaradka ee Janaayo 2024 dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo Itoobiya doonaysay inay ku hesho marin badeed iyo saldhig xeebeed, iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay arrintaas u aragtay xadgudub ka dhan ah madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo xilligaan xiriir wanaagsan laleh Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lafilayaa in xukuumaddiisu ay maalmaha soo socda safiir cusub u soo magacawdo safaaradda dalkiisa ee Magaalada Muqdisho.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles