Hay’adda maamusha kubadda cagta Yurub ee loo soo gaabiyo UEFA ayaa diyaarinaysa dacwad dambiyeed ka dhan ah madaxweynaha FIFA Gianni Infantino, taasoo ku saabsan qorshihii la laalay ee ahaa in saamiyo laga iibiyo Koobka Adduunka iyo tartamada kale ee FIFA, si loogu wareejiyo maalgashadayaal gaar loo leeyahay.
Dukumiintiyo ay aragtay BBC Sport ayaa muujinaya in hay’adda maamusha kubadda cagta Yurub ay codsi u gudbisay in loo oggolaado helitaanka caddaymo iyo dukumiintiyo loo adeegsan doono dacwad ka dhacaysa Switzerland oo ka dhan ah madaxweynaha laftiisa, kaas oo UEFA ay ku eedeysay “maamul-xumo”.
UEFA waxay intaas ku dartay inay ka fikirayso inay tallaabo sharci oo dambiyeed ka qaaddo saraakiil kale oo ka tirsan FIFA.
Wax yar ka dib Koobkii Adduunka ee xagaagan, Infantino wuxuu soo jeediyay in la sameeyo shirkad cusub oo la yiraahdo FIFA Forward Enterprise (FFE), taas oo ujeeddadeedu ahayd in saamiyo ka mid ah tartamada kubadda cagta ee FIFA lagu wareejiyo maalgashadayaal gaar ah. Qorshahaas waa la laalay ka dib markii si weyn looga soo horjeestay.
Codsiga lagu dalbanayo caddaymaha, UEFA waxay ku sheegtay: “Xaqiiqdii, waxay ahayd farsamo ay Infantino iyo kooxdiisa yar ku doonayeen inay si joogto ah ula wareegaan qayb ka mid ah hantida ugu qaalisan FIFA, ayna si gaar ah uga faa’iideystaan, taas oo dhibaato u geysanaysa FIFA, xubnaheeda iyo guud ahaan bahda kubadda cagta” sida lagu xusay codsiga UEFA.
Infantino wuxuu qorshaha soo dhex mariyay ansixinta gudaha ee FIFA maalmo un ka hor, kulan si degdeg ah loo abaabulay, halkaas oo koox yar oo ka mid ah madaxda iyo shaqaalaha FIFA qaarkood oo aan weligood qorshaha maqal lagu siiyay saacado kooban oo ay ku meel mariyaan mashruuc malaayiin doolar ah oo aan horay loo arag.
Saraakiisha ugu sarreysa UEFA iyo kubadda cagta Yurub ayaa ku kulmay Monaco, wax yar ka hor isku-aadka Champions League, iyadoo xaaladda Infantino ay ka mid ahayd arrimihii diiradda la saaray.




