Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qayb galay daahfurka Xusuus-Qorka Madaxweynihii hore Cabdullaahi Yuusuf.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud, ayaa xalay ka qayb galay munaasabad lagu daahfuray xusuus-qorka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Marxuum Cabdullaahi Yuusuf Axmed, kaas oo loo tarjumay luuqadda Carabiga.

Wasiir Cabdulfataax Qaasim ayaa bogaadiyay dadaalka loo galay tarjumaadda iyo faafinta xusuus-qorkan, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay Ustaad Maxamuud Ciise Faarax oo buugga u tarjumay luuqadda Carabiga.

Wasiirka ayaa xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta, qorista iyo faafinta taariikhda Soomaaliyeed. Waxa uu tilmaamay in taariikhda la qoro ay door muhiim ah ka qaadato fahamka waayihii kala duwanaa ee dalka soo maray iyo dhisidda jiil garanaya taariikhda dalkiisa iyo halgankii loo soo maray dowladnimada Soomaaliya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles