Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Danjiraha Dowladda Indonesia.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa maanta kulan la yeeshay Danjiraha Jamhuuriyadda Indonesia u fadhiya Jamhuuriyadda Kenya ahna Danjiraha aan deggeneyn ee Dowladda Soomaaliya, Mudane Witjaksono Adji waxa ayna ka wada hadleen Iskaashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaalia iyo Indonesia.

Danjire Witjaksono Adji ayaa intii uu kulanka socday sheegay mowqifka Dowladda Indonesia ee ku aaddan taageerada ay u hayso madax bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiiru-dowlaha ayaa faahfaahin ka bixiyay mudnaanta ay Dowladda Soomaaliya siinayso horumarinta Dhaqaalaha Badda (Blue Economy) iyo ka faa’iidaysiga khayraadka badda ee gobolka Badweynta Hindiya.

Maadaama labada dal ay ka wada tirsan yihiin Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), waxay isku raaceen isla markaana isla qaateen in la dhiso kooxo farsamo oo heer shaqo (working level technical teams) si loo xoojiyo iskaashiga dhinacyada maamulka khayraadka badda, kobcinta awoodaha farsamo, iyo horumarka waara.

Kulankaan ayaa ka tarjumayay sii xoojinta xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Indonesia, kaas oo ku dhisan is ixtiraam, iskaashi wax ku-ool ah iyo danaha istaraatiijiyadeed ee muhiimka ah kaas oo ay wadaagaan labada dowladood ee Soomaaliya iyo Indonesia.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles