Musharaxa hoggaamiyaha Galmudug Liibaan Axmed Xasan oo Gaalkacyo gaaray.

Waxaa magaalada Galkacyo ku qabsoomay munaasabad ballaaran oo lagu soo dhawaynayay Musharraxa Hoggaamiyaha Maamul Goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan, Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Siyaasadda iyo Dhaqaalaha Mudane Saalax Axmed Jaamac, Xoghayaha Guud Mudane Xuseen Sheekh Maxmuud, Wasiirro, Xildhibaanno iyo masuuliyiiin kale oo Ururka ka tirsan.

Munaasabadaas oo sidoo kale ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug, maamulka degmada Gaalkacyo ayaa dadweynaha magaalada Gaalkacyo isugu soo baxeeb garoonka Cabdullaahi Ciise, halkaas oo mas’uuliyiintu kula hadleen, laguna soo gabanhabeeyey ololaha doorashada.

Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug Liibaan Axmed Xasan oo la hadlay dadwaynihii isu soo baxay ayaa dhankiisa uga mahad celiyay soo dhawayntooda, isagoo tilmaamay in ololihii ay soo wadeen maalmihii la soo dhaafay uu biyo dhiggiisu ahaa in deegannada Galmudug la gaarsiiyo isbeddel dhab ah oo ku dhisan dhab u heshiisiin, adkaynta amniga iyo la dagaallanka Khawaarijta iyo horumarinta bulshada.

Dhinaca kale degmooyinka Galmudug maanta waxaa ka dhacay isusoo baxyo ballaaran oo loogu diyaar garoobayo maalinta codbixinta, waxaana urur siyaasadeedka JSP uu taageerayashiisa Galmudug u diyaarinayaa inay goobaha codbixinta tagaan.

Degmada Guriceel boqolaaal dadweyna ah ayaa isugu soo baxay, kuwaas oo qeyb ka ahaa kulan lagu soo gaba gabeenayay ololaha wacyigelinta bulshada ee ku aaddan doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada Dowlad Goboleedka Galmudug.

Dhinaca kale Boqolaal dadweynaha reer Balanballe ah ayaa maanta isugu soo baxay fagaarayaasha magaalada, kuwaas oo qeyb ka ahaa isku soo baxyada lagu soo gabagabeenayo ololaha wacyigelinta bulshada ee ku aaddan doorashooyinka Golahaasha Deegaanka iyo Wakiillada ee Dowlad Goboleedka Galmudug.

Sidoo kale degmooyinka Cabudwaaq, Cadaado iyo Hobyo ayaa ka mid ah magaalooyinka ay maanta ka dhaceen isu soo baxyada ku saabsan ololaha doorashada.

Doorashada Galmudug ayaa dhaceysa 30-ka bishaan, waxaana lagu jiraa gabagabada olole xoog leh oo ururrada siyaasadda ay maalmihii lasoo dhaafay ka sameynayeen degmooyinka iyo deegaanada Galmudug oo isku soo baxyo xoog leh ay ka dhaceen.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles