Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa maanta wadahadal dhinaca taleefanka ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Qurbo-joogta ee Boqortooyada Urdun, Mudane Ayman Safadi.
Labada ma’suul ayaa is dhaafsaday aragtiyo ku saabsan arrimaha labada dal iyo xaalada gobolka, waxayna adkeeyeen sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Dowladda Soomaaliya Boqortooyada Urdun.




