Monday, July 20, 2026

Gudddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo xarunta Hay’adda kula kulmay Taliyaha ciidanka Dhulka.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xarunta Hay’adda ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar (Jeneraal Khaalid).

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Hay’adda SoDMA iyo Ciidamada Xoogga Dalka, u diyaar-garowga iyo ka hortagga khataraha la saadaalinayo inay dalka soo wajahaan, gaar ahaan saameynta roobabka El Niño, iyo sidii loo dardargelin lahaa gurmadka degdegga ah, samatabbixinta iyo gaarsiinta gargaarka bulshada ay musiibooyinku saameeyaan.

Kulanka kaddib, Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa si wadajir ah ula hadlay warbaahinta, iyagoo adkeeyay muhiimadda wada-shaqeynta hay’adaha dowladda si kor loogu qaado u diyaar-garowga iyo wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee dalka ka dhaca.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles