Monday, July 20, 2026

Dagaal xooggan oo ka bilowday Boosaaso.

Dagaal xooggan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka qarxay meel u dhow kontoroolka magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, kaddib markii ay isku dhaceen ciidamo horay isku horfadhiyay deegaanka u dhexeeya Boosaaso iyo Laag. Africans& Diaspora

Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in iska horimaadku uu u dhexeeyo ciidamada PSF ee ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo ciidamada Puntland, kuwaas oo muddooyinkii dambe ay ka dhex taagnaayeen xiisado la xiriira awoodda iyo maamulka ciidamada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in rasaas culus laga maqlayay agagaarka kontoroolka Boosaaso, iyadoo xaaladda deegaanka ay weli kacsan tahay, isla markaana aan si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay labada dhinac oo ku saabsan sababta dagaalka, tirada khasaaraha ama xaaladda ciidamada ku lugta leh.

Xiisaddan ayaa kusoo beegmeysa xilli horey ay u jireen khilaafaadyo siyaasadeed iyo kuwo amni oo u dhexeeya Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles