Monday, July 20, 2026

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Booqasho ku tagay Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Qaahira.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalam Ali, ayaa booqday Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee magaalada Qaahira, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Masar ahna Ergeyga Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Danjire Cali Cabdi Awaare, iyo diblomaasiyiinta Safaaradda.

Intii uu booqashada ku jiray, Wasiirku waxa uu warbixin ka dhagaystay hawlaha diblomaasiyadeed iyo adeegyada qunsuliyadeed ee ay Safaaraddu u qabato muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Waxa uuna ku ammaanay shaqaalaha Safaaradda xirfaddooda, dadaalkooda iyo hufnaantooda shaqo, isagoo ku dhiirrigeliyey inay sii laba jibbaaraan dadaallada lagu xoojinayo adeegyada loo fidiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed, isla markaana lagu hormarinayo mudnaanta siyaasadda arrimaha dibadda iyo danaha qaranka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles