Wednesday, July 15, 2026

Wasiirka arrimaha dibadda oo khudbad ka jeediyey Madasha 3-aad Horumarinta Soomaaliya.

Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta khudbad ka jeediyay furitaanka maalintii labaad ee Madasha Saddexaad ee Horumarinta Soomaaliya (SDF 2026), taas oo ka qabsoontay magaalada Muqdisho hal ku-dhiggeeduna ahaa Soomaaliya iyo Marxaladeeda Xasaasiga ah, Xoojinta Xasilloonida, Midnimada iyo Horumarka.

Madashaan oo ay soo qabanqaabiyeen Machadka Daraasaadka Siyaasadda ee Heritage iyo Jaamacadda City, ayaa isugu keentay masuuliyiin dowladeed, aqoonyahanno, bah wadaagta horumarinta iyo khubaro si ay uga wada hadlaan mudnaanta horumarineed ee Qaranka Soomaaliya.

Wasiir Cabdisalaan Cabdi Cali wuxuu carrabka ku adkeeyay in horumarka Soomaaliya uu ku xeran yahay hay’addaha dowladeed oo sii xoogeysta, hoggaamin qaran, adkaysiga shacabka iyo iskaashi miro dhal ah oo lala yeesho beesha caalamka.

Waxa uu sidoo kale sheegay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay hirgelinta nabadda, adkaynta midnimada qaranka, ilaalinta madaxbannaanida, horumarka iyo dhiirrigelinta wadahadal loo dhan yahay.

Wasiirku waxa uu u muujiyay kalsooni buuxda in doodaha iyo falanqaynta ka soo baxa Madashu ay soo saari doonaan talooyin wax ku ool ah oo ku saleysan caddayn iyo cilmi baaris, kuwaas oo gacan ka geysan doona dhismaha Qaran Soomaaliyeed oo xasilloon, barwaaqo ah, horumarsan, isla markaana adkaysi leh.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles