Wednesday, July 15, 2026

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐Š๐š๐ฅ๐ฅ๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐ž๐ฒ๐ฌ๐ข๐ ๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐’๐š๐Ÿ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐๐š ๐’๐ก๐ข๐ข๐ง๐š๐ก๐š ๐ž๐ž ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š oo ๐ค๐š๐ฅ๐š ๐ฌ๐š๐ฑ๐ข๐ข๐ฑ๐๐š๐ฒ ๐ก๐ž๐ฌ๐ก๐ข๐ข๐ฌ ๐ญ๐š๐š๐ซ๐ข๐ข๐ค๐ก๐ข ๐š๐ก.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, iyo Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, ayaa maanta si rasmi ah u kala saxiixday heshiis taariikhi ah oo u oggolaanaya badeecadaha kalluumeysiga Soomaaliyeed in loo dhoofiyo suuqyada Shiinaha iyagoo ka faaโ€™iideysanaya canshuur-dhaaf buuxa.

Heshiiskan ayaa ah mid taariikhi u ah horumarinta waaxda kalluumeysiga Soomaaliya, maadaama ay tahay markii ugu horreysay ee badeecadaha kalluunka Soomaaliyeed ay si rasmi ah ugu helaan suuqa Shiinaha fursad canshuur-dhaaf ah, taas oo sare u qaadeysa tartanka iyo fursadaha dhoofinta ee kalluumeysatada iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa sheegay in heshiiskani uu yahay guul weyn oo u soo hoyatay Soomaaliya, gaar ahaan kalluumeysatada, ganacsatada iyo dhammaan daneeyayaasha waaxda kalluumeysiga. Wasiirku wuxuu xusay in heshiisku uu xoojinayo xiriirka dhaqaale ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, isla markaana uu furayo bog cusub oo iskaashi iyo maalgashi oo faaโ€™iido u leh labada dal.

Dhankiisa, Safiirka Dowladda Shiinaha ee Soomaaliya, Danjire Wang Yu, ayaa tilmaamay in heshiiskani uu fududeyn doono ganacsiga labada dal, isla markaana uu kor u qaadi doono is-weydaarsiga ganacsiga iyo horumarinta iskaashiga dhaqaale. Wuxuu sidoo kale sheegay in heshiisku uu faaโ€™iido muuqata u yeelan doono shacabka Soomaaliya iyo Shiinaha.

Heshiiskaan ayaa lagu daabacay Bogga Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga, ayay waxay heshiiskan u aragtaa tallaabo istiraatiiji ah oo lagu kobcinayo dhoofinta badeecadaha Soomaaliyeed, lagu xoojinayo dhaqaalaha buluugga, laguna abuurayo fursado cusub oo shaqo iyo horumar dhaqaale oo waara.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles