Sunday, July 12, 2026

Maraykanka iyo Iiraan oo sii Kordhiyay Weerarrada iyo xiisada oo kacaan.

Weerarrada cirka ee u dhexeeya Maraykanka iyo Iiraan ayaa sii xoogaystay, iyadoo labada dhinac ay is dhaafsanayaan duqeymo iyo hanjabaado cusub oo sare u qaaday xiisadda ka taagan Bariga Dhexe.

Ilaalada Kacaanka Iiraan (IRGC) ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay beegsadeen isla markaana ay joojiyeen markab marayay Marinka Hormuz, iyagoo arrintaas ku tilmaamay jawaab ka dhan ah weerarrada Maraykanka uu ku qaaday magaalooyin ku yaalla koonfurta Iiraan.

Sidoo kale, IRGC waxay sheegtay in wejiga labaad ee waxa ay ugu yeertay aargudashada lagu beegsaday saldhigga cirka ee Maraykanka ku leeyahay Al-Udeid ee dalka Qatar, halkaas oo ay sheegeen in waxyeello loo geystay xarumaha dayactirka diyaaradaha dagaalka iyo xarunta taliska iyo xakamaynta.

Dhanka kale, Maraykanka ayaan weli si buuxda uga jawaabin faahfaahinta sheegashada Iiraan, iyadoo xaaladda gobolka ay sii ahaanayso mid kacsan, gaar ahaan agagaarka Marinka Hormuz oo ah marin muhiim u ah ganacsiga shidaalka caalamka.

Xiisadda u dhexeysa Washington iyo Tehran ayaa sare u kacday kadib weerarrada is-daba jooga ah ee labada dhinac ay ku qaadayaan goobaha milatari iyo xarumaha istiraatiijiga ah.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles