Saturday, July 11, 2026

Shirka Dhaqaalaha ee Urur Goboleedka Bariga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay dalka Tanzania.

Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Arusha ee dalka Tanzania loogu soo gebagebeeyey Shirkii 20-aad ee Wasiirrada Kaabeyaasha dhaqaalaha ee Urur Goboleedka Iskaashiga dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kaas oo ay si rasmi ah uga qayb gashay DFS. Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS ayaa Soomaaliya ku matalaysay shirkaasi.

Wafdiga Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta XFS waxaa hoggaaminayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda, Mudane Saciid Xeyd, waxaana ku wehliya Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Faarax Cabdinuur Axmed iyo Agaasimaha Waaxda Waddooyinka iyo Kaabeyaasha Dhaqaalaha Eng. Maxamed Cabdulqaadir (Yariisoow).

Intii uu shirku socday, waxaa lagu gorfeeyey laguna ansixiyey qorshayaal iyo mashaariic muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga dalalka Bariga Afrika, horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo isku xirka waddamada xubnaha ka ah Ururka EAC.

Mashaariicdan ayaa la filayaa inay door weyn ka qaataan kobaca dhaqaalaha iyo horumarka gobolka.

Ka qaybgalka DFS ee shirkan ayaa muujinaya sida ay uga go’an tahay xoojinta iskaashiga gobolka, hirgelinta mashaariic istaraatiiji ah iyo ka faa’iidaysiga fursadaha dhaqaale ee ka jira Bulshada Bariga Afrika, kuwaas oo horseedi kara horumar waara iyo fursado cusub oo ay ka faa’iidaystaan shacabka Soomaaliyeed.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles