Friday, July 10, 2026

Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah oo dhiggiisa Dalka Talyaaniga kula kulmay Roma.

Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kulan istiraatiiji ah kula yeeshay Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Ciidamada Talyaaniga (ITA SOCOM), Admiral Paolo Pezzutti. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milatari ee Soomaaliya iyo Talyaaniga, gaar ahaan horumarinta awoodaha Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kor u qaadista tayada tababarrada, is-dhaafsiga khibradaha iyo dardargelinta taageerada lagu kobcinayo awoodaha hawlgal ee ciidanka. Labada dhinac ayaa isku raacay in la sii xoojiyo iskaashiga istiraatiijiga ah, lana dardargeliyo dadaallada lagu dhisayo Ciidanka Gaarka ah ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed si uu u noqdo ciidan xirfad leh, isku filan, isla markaana awood u leh fulinta hawlgallada gaarka ah ee lagu xaqiijinayo amniga iyo difaaca qaranka.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles