Monday, July 6, 2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha XFS oo Guddoomiyay Kulanka Joogtada ah ee Agaasime Waaxeedyada.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Shiire, ayaa maanta guddoomiyay kulanka joogtada ah ee Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda, kaas oo lagu qiimeeyay horumarka howlaha socda, laguna heshiiyay mudnaanta shaqooyinka la fulinayo muddada soo socota.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta hirgelinta qorshayaasha Wasaaradda, xoojinta isku-duwidda howlaha, dib-u-habeynta iyo tayeynta shaqaalaha, iyo adkaynta wada-shaqeynta hay’adaha amniga si loo sii xoojiyo amniga dalka.

Sidoo kale, kulanka waxaa lagu lafa-guray heerka diyaar-garowga Shirka Amniga Guud ee Heer Qaran, iyadoo la isla qaatay in la xoojiyo isku-duwidda iyo qorsheynta si shirkaasi ugu qabsoomo si hufan.

Gabagabadii, Agaasimaha Guud ayaa Agaasime Waaxeedyada faray inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta, dardargeliyaan fulinta qorshayaasha Wasaaradda, isla markaana mudnaan gaar ah siiyaan howlaha la xiriira diyaarinta Shirka Amniga Guud ee Heer Qaran.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles