Saturday, July 4, 2026

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi.

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu maamuusayay,sidoo kalena lagu soo dhaweeyay garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Aadan (Cumar Abdulkadir Cartan), ayaa lagu qabtay xarunta ganacsiga ee BBS Mall ee magaalada Nairobi, iyadoo ay ka soo qaybgaleen kumannaan qof oo isugu jiray bulshada Soomaaliyeed, ganacsatada Islii iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda ayaa ahayd mid lagu muujinayay taageero iyo garab istaag loo fidiyay garsoore Cartan, iyadoo lagu bogaadiyay doorkiisa taariikhiga ah ee uu ku mutaystay inuu noqdo garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah,ee loo xusho inuu ka garsooro tartanka Koobka Adduunka ee FIFA, arrintaas oo loo arko guul weyn oo u soo hoyatay guud ahaan bahda ciyaaraha Soomaaliyeed.

Waxaa munaasabadda ka soo qayb galay Safiirka Soomaaliya ee Kenya Jibriil Cabdulle Ibraahim,Guddoomiyaha Gobolka Wajeer Axmed Cabdullaahi, Madaxweynaha Xiriirka Kubadda Cagta Kenya (FKF) Xuseen Maxamed, Xildhibaan Farax Macallin, Xildhibaan Yuusuf Xasan, Guddoomiyaha BBS Mall Cabdiweli Macallin iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday dowladda Kenya, Soomaaliya iyo bahda ciyaaraha.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles