Friday, June 26, 2026

Madaxweynaha JFS oo Ubax dhigay Taallada Dhagax-tuur.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya maamuuska halyeeyadii nafta u huray soo dhicinta gobanimada dalkeenna ayaa ubax dhigay Taallada Dhagaxtuur oo ka mid ah astaamaha lagu xusuusto halgankii taariikhiga ahaa ee shacabka Soomaaliyeed isaga dulqaadeen heeryadii gumeysiga.

Munaasabadda ubax dhigga Taallada Dhagaxtuur ayaa qayb ka ah, dabaaldagyada lagu weynaynayo xuska sannad-guurada 26-ka Juun oo ah taariikhda maalintii ugu horreysay ee calan Soomaaliyeed oo xor ah laga taago dalkeenna, gaar ahaan gobollada Waqooyi ee dalka.

Madaxweynaha ayaa ubax dhigga kadib salaam Sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidan Booliska Soomaaliyeed, isagoo gacan-qaaday qaar ka mid ah golaha Wasiirrada XFS, madax ka tirsan dowladda, Agoonta Booliska iyo boqolaal shacab ah oo kasoo qayb galay munaasabadda.

Sidoo kale, munaasabado lagu weyneynayo 26-ka June ayaa waxaa lagu qabtay degmooyinka Gobolka Banaadir iyo guud ahaan dalka Soomaaliya, iyadoo ay ka qayb galeen qaar ka mid ah madaxda dowladda iyo dadweyne fara badan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles