War-saxaafadeed ay soo saartay Dowladda Soomaaliya ayay ku soo dhaweysay Is-fahamka iyo Is-afgaradka u dhexeeya Dowladdaha Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa Isfahamka iyo Is afgaradka (Memorandum of Understanding) ee u dhexmaray Dowladda Mareykanka iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan, iyadoo u aragta tallaabo wanaagsan oo lagu yareynayo xiisadaha, laguna xoojinaayo wada hadallada, laguna adkeynayo xasilloonida gobolka.
Soomaaliya waxay ku bogaadinaysaa labada dhinac inay doorteen diblomaasiyad iyo wada-xaajood, si loo dhimo xiisadaha loona horumariyo nabadda.
Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale bogaadinaysaa dadaallada wax ku-oolka ah ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, Dowladda Qatar, Jamhuuriyadda Carabta ee Masar, Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyo Jamhuuriyadda Türkiye ee taageeray horumarkan diblomaasiyadeed.
Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale aqoonsan tahay doorka muhiimka ah iyo dadaallada Madaxweyne Donald J. Trump ee lagu hormarinayo nabadda.
Soomaaliya waxay rajaynaysaa in is-fahamkan lagu dhaqangeliyo niyad wanaagsan, islamarkaana uu gacan ka geysto ilaalinta nolosha dadka rayidka ah, sugidda xorriyadda Maraakiibta iyo isu socodka Badda, iyo ka hortagga sii kordhista xiisadaha.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay mar kale xaqiijinaysaa taageeradeeda ku aaddan diblomaasiyadda, ixtiraamka sharciga caalamiga ah, iyo xallinta khilaafaadka si nabad ah.
Ugu Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa dhammaan dadaallada lagu horumarinayo nabadda, amniga, iyo xasilloonida Bariga Dhexe, Geeska Afrika, iyo gobolka Badda Cas.




