Kani waa tartan adag oo ku wajahan waalid kasta (qoys kasta). Laba walaalo ah ayaa ku tartamaya kooxo kala duwan ciyaar kasta. Yaas taageeri lahayd?
Tani ma aha ciyaar gudaha ah ama tartan dugsiyada dhexdooda ah ee waa ciyaar Koobka Adduunka ah.
Afar walaalo ah oo ah ciyaartooy adag ayaa u ciyaara dalal kala duwan tartan aad u weyn, kuwaas oo ay ku jiraan Desire iyo Guela Doue, kuwaas oo laga yaabo inay isku wajahaan kubadda cagta.
Waxay ku dhasheen Angers, dalka Faransiiska , waxaana iska dhalay hooyo Faransiis ah iyo aabbe u dhashay Ivory Coast, walaalahan waxay si gaar ah ugu ciyaaraan Paris St-Germain iyo Strasbourg siday u kala horreeyaan.
Waxaa jira kooxo ciyaareed oo kala duwan oo kubadda cagta adduunka ah, iyadoo 21 jirka Desire, oo laba jeer ku guuleystay Champions League, uu u ciyaaro Faransiiska iyo 23 jirka Guela, oo ah difaac u ciyaaro Ivory Coast.
Isagoo ka hadlayay xiriirka uu la leeyahay walaalkiis ka weyn barnaamijka kubadda cagta Faransiiska ee Telefoot, Desire wuxuu yiri, “Wax walba waan isku sheegnaa, wax sir ah ma lihin.”
“Waa taageeraha weyn ee nolol maalmeedkeyga,” ayuu yiri. Si kastaba ha ahaatee, Koobka Adduunu ee Maraykanka malagu tijaabin doonaa xiriirkooda?
Haddii Faransiisku uu kaalinta labaad ka galo kooxda ‘I’ oo ay Ivory Coast ay kaalinta labaad ka gasho kooxda ‘E’, labadoodu waxa laga yaaabaa in ay ku kulmaan wareega 32da ah bisha June 30 ee Arlington, Texas.




