Ciidamo daacad u ah Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa xalay weerar ku qaaday fariisin ay ciidamada dowladda ku leeyihiin duleedka magaalada Baydhabo, sida ay sheegayaan wararka laga helayo gobolka Baay.
Wararka ayaa tilmaamaya in iska horimaadka uu dhacay saacadihii habeenkii, iyadoo ciidamada weerarka qaaday ay la wareegeen askar ka tirsan dhinaca ay la dagaallamayeen, sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan ciidamada taabacsan Laftagareen.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli dhowr jeer oo hore ay ciidamada daacadda u ah Laftagareen weerarro uga fuliyeen agagaarka Baydhabo, halkaas oo ay ka jiraan xiisado amni iyo siyaasadeed oo muddooyinkii dambe soo jiitamayay.
Dhanka kale, Wasiirkii hore ee Amniga Koonfur Galbeed, Xasan Cabdulqaadir, ayaa qoraal uu ku baahiyay Facebook ku sheegay in shacabka looga baahan yahay inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin ciidamada si aysan waxyeello uga soo gaarin dagaallada socda.
“Shacabkeenna sharafta leh ka fogaada goobaha ay degan yihiin ciidamada si aanay dhibaato idiin soo gaarin.
Waxaan u taaganahay inaan idinka dulqaadno kuwii duullaanka ku soo qaaday Koonfur Galbeed iyo shacabkeeda,” ayuu ku yiri qoraalkiisa.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarka iyo xaaladda amni ee ka jirta Baydhabo.




