Sunday, June 21, 2026

Madaxweyne JFS oo khudbad ka jeediyay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xalay magaalada Muqdisho uga qeyb galay munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), oo dhawaan loo doortay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha oo munaasabadda khudbad ka jeediyay ayaa uga hadlay, muhiimadda Golaha Sharci-dejinta iyo doorka laf-dhabarta u ah ee uu ku leeyahay dhismaha dowladnimada, ilaalinta dastuurka iyo horumarinta nidaamka dimuqraadiyadda dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe), kaalintii uu ka soo qaatay hoggaaminta Golaha Shacabka intii uu xilka hayay, isagoo xusay dadaalladii lagu xoojiyay wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo horumarinta shaqada Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku sheegay khudbaddiisii xalay, in uu dalku uu galay hannaan doorasho oo waafaqsan dastuurka, taas oo muujinaysa bisaylka geeddi-socodka dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya.

Munaasabadda sagootinta Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Aadan Madoobe, ayaa waxaa kasoo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha dalka mudane Xamse Cabdi Barre, mas’uuliyiin sare oo ka tirsan dowladda, xildhibaanno iyo marti sharaf kale, kuwaas oo si isku mid ah u bogaadiyay doorkii uu Aadan Madoobe ka soo qaatay Golaha Shacabka, una rajeeyay guul iyo waxqabad wanaagsan xilkiisa cusub ee hoggaaminta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles