Sunday, June 21, 2026

Guddoonka Golaha Shacabka oo baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleedka Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa baaq nabadeed ka soo saartay dagaal beeleedyada dib uga soo cusboonaaday qaybo ka mid ah Gobolka Hiiraan, gaar ahaan colaadda u dhexeysa dad walaalo ah oo isku deegaan ah oo ka dhacday Degmada Jalalaqsi.

“Dagaalka murugada leh ee dhex maray dad walaalo ah oo isku deegaan ah kana dhacay Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan waa arrin culus oo aan la iska indho tiri karin, lagamana aamusi karo. Waxa uu dhaawacayaa nabadda, wadajirka bulshada iyo mustaqbalka shacabka deegaanka,” ayay tiri Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka.

Guddoomiye Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa ugu baaqday dhammaan waxgaradka, odayaasha dhaqanka, culimada, maamulka iyo bulshada Hirshabeelle inay si degdeg ah uga shaqeeyaan joojinta colaadda, isla markaana loo helo xal waara oo nabadeed oo lagu soo afjaro khilaafka jira.

“Annaga oo ah Guddoonka Golaha Shacabka, waxaan caddeyneynaa inaan garab taagan nahay dadaal kasta oo lagu joojinayo dhiigga daadanaya, laguna xoojinayo nabadda iyo walaaltinimada shacabka deegaanka,” ayay hadalkeeda ku dartay.

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa ugu dambeyn sheegtay inay waajib tahay ilaalinta nabadda iyo joojinta wax kasta oo horseedi kara colaad hor leh, iyadoo xustay in danta guud iyo wada noolaanshaha bulshada ay ka muhiimsan yihiin wax kasta.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles