Soddon iyo shan qof ayaa la dilay ka dib markii rag hubeysan ay weerareen garoonka diyaaradaha ee ugu weyn Niger Khamiistii, sida ay sheegeen mas’uuliyiintu.
Waa weerarkii labaad ee ka dhaca dalkaas wax ka yar shan bilood gudahood.
Dadka ku nool waddankaas ay Muslimiintu ku badan yihiin, ayaa BBC-da u sheegay in markii ay ka baxeen salad subax, qaraxyo iyo dhawaq rasaas ah laga maqlay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Diori Hamani, oo ku yaal caasimadda Niamey.
Wasaaradda difaaca ee Niger ayaa sheegtay in dhimashada ay ka koobnayd 22 qof oo ah kooxihii weerarka soo qaaday iyo 11 askari, iyo laba qof oo rayid ah.
Fiidnimadii Khamiista, kooxda Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM) oo gacan saar la leh Al-Qaacida, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.
Niger ayaa la dagaallamaysay kacdoon Islaamiyiin ah muddo toban sano ah, bishii Janaayo,urur lala xiriiriyay kooxda Dowladda Islaamiga ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerar ka dhacay isla garoonka diyaaradaha.
Hub badan oo ay ku jiraan qoryaha RPG-7, qoryaha AK-47, walxaha qarxa, bam-gacmeedyo, qalabka isgaarsiinta iyo kumanaan rasaas ah ayaa sidoo kale la sheegay in la qabtay.
Agagaarka garoonka diyaaradaha ayaa la xiray galabnimadii Khamiista, iyadoo ciidamada amniga ay baarayaan gawaarida soo galaya iyo kuwa ka baxaya aagga.
Trump oo dalal kale ku daray liiska xayiraadda socdaalka
Sidee farac ka tirsan al-Qaacida uga mid noqday ururrada argagixiso ee ugu halista badan Afrika
Waa kuma ninka ah maskaxdii ka dambeysay afgambiga ka dhacay Niger.




