Thursday, June 18, 2026

Hoggaamiyaha KGS oo la kulmay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya.

Hoggaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Danjire Wang Yu. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacabka ee Shiinaha, iyadoo labada dhinac ay isla garteen muhiimadda ay leedahay sii ambaqaadidda wada-shaqeynta dhinacyada horumarinta, dhaqaalaha iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee lagu hormarinayo deeganda Koonfur Galbeed. Hoggaamiyaha ayaa safiirka uga mahadceliyey taageerada joogtada ah ee Dowladda Shiinaha ay la garab taagan tahay Soomaaliya, isagoo carrabka ku adkeeyey baahida loo qabo in la kordhiyo mashaariicda horumarineed ee laga hirgelinayo deegaannada Koonfur Galbeed, si loo dardargeliyo horumarka adeegyada bulshada iyo kobaca dhaqaalaha. Danjire Wang Yu ayaa ugu hambaliyeyey Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe doorashadii lagu doortay isagoona dhankiisa xaqiijiyey sida Dowladda Shiinaha ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga kala dhexeeya Soomaaliya, isagoo muujiyey diyaar u ahaanshaha Dowladda Shiinaha ee taageeridda dadaallada horumarineed iyo mashaariicda wax ku oolka ah ee ka hirgelaya deegaannada Koonfur Galbeed. Kulankan ayaa ka mid ah dadaallada maaulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ay ku xoojinayso deeqbixiyaasha caalamiga ah iyo soo jiidashada maalgashiga iyo mashaariicda horumarineed ee wax ka tari kara horumarka iyo adeegyada bulshada.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles