Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa si cad u beeniyay wararka la xiriira in Israa’iil ay saldhigyo milatari ka samaysatay gudaha Somaliland, isagoo sheegay inaysan jirin wax joogitaan ciidan oo Israa’iili ah oo ka jira deegaannada Somaliland.
Wareysi uu bixiyay madaxweynuhu ayuu ku sheegay in Somaliland aysan martigelin xarumo ama saldhigyo militari oo ay leedahay Israa’iil, islamarkaana aysan jirin heshiis ku saabsan joogitaan ciidan oo shisheeye oo ka jira dhulka Somaliland.
“Ma jiro saldhig milatari oo Israa’iil ku leedahay Somaliland, mana jiro wax ciidamo Israa’iili ah oo ku sugan deegaannadayada,” ayuu yiri madaxweynuhu, isagoo meesha ka saaray wararka maalmihii la soo dhaafay si weyn loogu faafinayay baraha bulshada iyo warbaahinta qaarkood.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay suurtagalnimada khataro amni oo kaga yimaada kooxda Xuuthiyiinta ee Yemen, isagoo caddeeyay in Somaliland aysan doonayn inay qayb ka noqoto colaadaha gobolka ka aloosan.
“Cadow kuma nihin cidna, mana raadineyno iska horimaad aan la galno dal ama koox gaar ah. Hase yeeshee, haddii la soo weeraro Somaliland, waxaan difaaci doonnaa ammaankeena iyo shacabka Somaliland,” ayuu hadalkiisa ku daray.
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii xoogeysanayaan doodaha ku saabsan xiriirka Somaliland iyo Israa’iil, gaar ahaan wararka la xiriira magaalada Berbera oo lagu sheegay inay Israa’iil danaynayso sababo la xiriira istaraatiijiyadda Badda Cas iyo dagaalka ay kula jirto kooxda Xuuthiyiinta ee Yemen.
Ilaa hadda ma jiraan caddeymo rasmi ah oo muujinaya in Israa’iil ay saldhig milatari ku leedahay Somaliland, iyadoo masuuliyiinta Somaliland ay marar badan ku adkaysteen in siyaasaddooda arrimaha dibadda ay ku saleysan tahay iskaashi dhaqaale iyo amni, balse aysan oggolaanayn in dhulkooda loo adeegsado colaado ka dhan ah dalal ama kooxo kale.




