Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa si adag u cambaareeyay furitaanka waxa uu ku tilmaamay “Safaaradda Somaliland” ee laga furay magaalada Qudus ee la haysto, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay si cad uga hor imaaneyso Axdiga Qaramada Midoobay iyo qaraarrada caalamiga ah.
Bayaan kasoo baxay Xoghaynta Guud ee OIC ayaa lagu sheegay in Israa’iil aysan wax madax-bannaani ah ku lahayn magaalada Qudus, islamarkaana dhammaan tallaabooyinka lagu beddelayo xaaladda siyaasadeed iyo sharci ee magaaladaasi ay yihiin kuwo sharci-darro ah marka loo eego sharciga caalamiga ah.
Ururka ayaa sidoo kale dib u xaqiijiyay taageeradiisa buuxda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isagoo xusay inuu garab taagan yahay madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
OIC ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay qaadato mowqif adag oo ka dhan ah tallaabadaasi, islamarkaana laga hortago wax kasta oo sharciyeynaya xaalad cusub oo ka dhalata Qudus la haysto.
Arrintan ayaa timid kadib markii Somaliland ay si rasmi ah safaarad uga furatay magaalada Qudus, iyadoo xariga laga jaray munaasabad uu ka qeyb galay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro).




