Monday, June 15, 2026

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Masar ee Arrimaha Afrika.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdisalam Ali ayaa Maanta Xafiiska ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Carabta ee dalka Masar u qaabilsan Arrimaha Afrika Mudane Maxamed Kariim Fu’aad Shariif.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, hirgelinta iyo horumarinta heshiisyada jira, iyo kor u qaadista iskaashiga dhinacyada ay labada waddan danaha wadaagga ah ka leeyihiin.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa carabka ku adkeeyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee ka dhexeeya Dowladdaha Soomaaliya iyo Masar.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles