Friday, June 12, 2026

NISA iyo ciidanka deegaanka Shabeellada hoose oo fashiliyay qaraxyo ay maleegayeen AS.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo garabsanaya ciidamada deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ku fashiliyay walxo kiimiko ah oo loo adeegsan lahaa samaynta qaraxyada, kuwaas oo khawaarijtu u wadday in ay ku dhibaateeyaan shacabka.

Walxahan kiimikada ah oo ku jiray in ka badan boqol jirgaan ayaa laga helay dhulka deexda ah ee ku dhow Jilib Marka ee gobolka Shabeellada hoose.

Khawaarijta ayaa halkaasi ku aasay walxahan kiimikada ah kadib markii ay ogaadeen in ay ciidamada ammaanka ku raadjoogaan dhaqdhaqaaqyadooda.

Taliyaha Ciidanka nabad sugidda Qaranka ee degmada Marka Maxamed Sheekh Xasan ayaa aad ugu mahadceliayay ciidanka deegaanka, isagoo xusay in ay macawisleyda gobolka arkeen xilli ay roondo ku marayeen inta u dhaxaysa Marka iyo Gendershe godad ay ku aasan yihiin Jirigaamo ka badan boqol, iyagoo la wadaagay taliska nabad sugidda ee Shabeelleda hoose, wuxuuna taliyuhu sheegay in ay sii labalaabi doonaan howl gallada ka dhanka ah argagixisada.

Taliyaha Ciidanka deegaanka, Maxamed Cusmaan Indhoi-giir, ayaa sidoo kale sheegay in Jirigaamada ay qabteen ay ku jiraan budo kala nooc ah, taas oo ah kiimikada ay khawaarijtu ka samayso walxaha qarxa, iyadoo ujeeddadoodu ay ahayd in ay ummadda ku gumaadaan.

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles