Guddoomiye Ku-xigeenka Hayโadda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Dr. Axmed Cabdi Aadan, ayaa daah-furay kulan wadatashi ah oo ku saabsan dhismaha iyo dejinta qaab-dhismeedka Sanduuqa Qaran ee Maareynta Khatarta Musiibooyinka (NDRMF).
Kulanka waxaa ka qeyb galay wakiillo ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad-goboleedyada, hayโadaha caalamiga ah , kuwa maxalliga ah iyo ururrada bulshada rayidka ah.
Ka qeybgalayaashu waxay diiradda saareen muhiimadda dhismaha Sanduuqa Qaran ee Maareynta Khatarta Musiibooyinka iyo doorka uu ka qaadan karo xoojinta awoodda dalka ee ka hortagga iyo ka jawaabidda musiibooyinka, iyagoo sidoo kale soo jeediyay talooyin ku saabsan sidii si hufan looga faaโiideysan lahaa.
Ugu dambeyn, Guddoomiye Ku-xigeenka Hayโadda SoDMA) Dr. Axmed Cabdi Aadan ayaa adkeeyay muhiimadda iskaashiga dhammaan dhinacyada ay khuseyso si loo hirgeliyo sanduuqan, loona xoojiyo awoodda dalka ee maareynta khataraha iyo musiibooyinka.




