Tuesday, June 2, 2026

Israa’iil oo sheegtay inay hawadeeda ku qabatay Gantaal laga soo tuuray Lubnaan.

Ciidanka Israa’iil ayaa sheegay in subaxnimadii Talaadada ay hawada ku qabteen laba gantaal oo laga soo ganay dhanka Lebanon.

Ciidanku wuxuu sheegay in la ogaaday “shay duulaya oo laga shakiyay” kaas oo markii dambe ku dhacay gudaha dhulka Israel meel u dhow xadka Lubnaan. Waxa kale oo ay sheegeen in aan wax dhaawac ah la soo sheegin kadib weerarka.

Dhacdadan ugu dambeysay ayaa ku soo beegmaysa iyadoo Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu sheegay in Israa’iil iyo ururka Hezbollah ay u ballanqaadeen inay joojinayaan dagaalka.

Trump ayaa bartiisa bulshada ee Truth Social ku qoray:”Waxaan wada hadal aad u wanaagsan la yeeshay Hezbollah anigoo adeegsanaya wakiillo heer sare ah, waxayna oggolaadeen xabbad-joojin; Israa’iil ma weerari doonto iyaga, iyaguna ma weerari doonaan Israa’iil.”

Horey, Guddoomiyaha baarlamaanka Iran, Maxammad Baqer Qalibaf, ayaa yiri:”Labadii maalmood ee la soo dhaafay waxaan si dhab ah uga shaqaynaynay joojinta weerarrada Israa’iil, haddii dambiyadaasi sii socdaanna ma aha oo keliya inaan joojin doono geeddi-socodka wada hadallada, balse sidoo kale waxaan ka hor iman doonnaa maamulka Sahyuuniyadda.”

Related Articles

Stay Connected

24,006FansLike
308FollowersFollow
290SubscribersSubscribe
spot_img
spot_img
spot_img

Latest Articles