Qaramada Midoobey ayaa sheegtay inay si dhow ula socoto xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan wada-hadalladii u dambeeyay ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubnaha mucaaridka ah ee ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.
War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in hay’addu ay soo dhoweynayso dadaallada labada dhinac ay ku doonayaan inay ku gaaraan is-afgarad siyaasadeed arrimaha la xiriira doorashooyinka iyo jihada siyaasadeed ee dalka.
Qaramada Midoobey ayaa ku boorrisay Dowladda Federaalka iyo mucaaridka inay sii xoojiyaan wada-xaajoodyada socda, si loo gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, kana jawaaba tabashooyinka jira.
“Wadahadal iyo is-afgarad siyaasadeed ayaa laf-dhabar u ah xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Sidoo kale, Qaramada Midoobey waxay xustay in wada-shaqeynta dhinacyada siyaasadda ay muhiim u tahay sugidda amniga, dhismaha hay’adaha dowladda iyo sii wadidda geeddi-socodka dowladnimada Soomaaliya.
Wadahadalladan ayaa kusoo aadaya xilli ay weli taagan yihiin doodaha la xiriira hannaanka doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka iyo awood-qaybsiga siyaasadeed ee dalka.
Qaramada Midoobey ayaa marar badan hore ugu baaqday madaxda Soomaaliyeed iyo saamileyda siyaasadda inay mudnaanta siiyaan wadatashiga iyo heshiiska siyaasadeed, si looga fogaado khilaafyo carqaladeyn kara geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka.




