Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu cambaareeyay weerar loo adeegsaday diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Drone.
Somaliland ayaa ku tilmaantay weerarkaasi ‘’mid khatar ku ah nabadda, xasiloonida gobolka iyo madaxbannaanida dalka Imaaraatka Carbta’’
Qoraal kasoo baxay Wasaaradda ayaa garab istaag loogu muujiyay Imaaraadka Carabta iyo shacbkeeda.
Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya ayaa goor sii horaysay cambaareeyay weerarka drone-ta loo adeegsaday ee lagu qaaday warshadda nukliyeerka korontada Imaaraatka carabta.




